Erdogan oo shaaciyay dalal ay la wadaageen Codad laga duubay Dilkii Jamal Khashoggi

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in codkii laga duubay qaabkii loo dilay Wariye Jamal Khashoggi ay la wadaageen Wadamada Sacuudiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Wadamo kale.

Waxa uu mar kale sheegay Madaxweynaha Turkiga in dowlada Sacuudiga ay ogtahay cidii ka dambeesay dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in heer gabo gabo ah uu marayo baaritaanka dilkii loo geestay Wariye Khashoggi, waxa ayna baarayaasha Turkiga ka rajo dhigeen in ay helaan meydka Wariyaha oo la sheegay in jirkiisa la jar jaray kadibna aashito lagu baabi’iyay.

Sacuudiga ayaa qirtay in dilka Wariye Jamal Khashogi uu dhax dhacy gudaha Qunsuliyada, waxa ayna Sacuudiga wali ka biyo diidan tahay in ay sheegto halka uu ku dambeeyay meydka Wariyaha iyo cidii dilkiisa soo amartay.

Turkiga ayaa rumeesan in Sacuudiga Madaxdooda qaar ay amreen dilka loo geestay Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa Boqortooyada Sacuudiga, waxa ayna Turkiga horey u dalbadeen in loo soo gacan galiyo dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -