Al Shabaab oo ka hadashay Weerar la sheegay in lagu qaaday Degmada Jilib

Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka laga fuliyay gudaha degmada Jilib gaar ahana xero tababar ay lahaayeen Al Shabaab.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga General Cali Maxamed (Bogmadow) ayaa sheegay in howlgalka laga fuliyay xarunta Al Shabaab ku leeyihiin Jilib lagu dilay ku dhawaad 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan labo sargaal oo ajnabi ah

Warkan kasoo baxay Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa beeniyay Xarakada Al Shabaab, waxaana saraakiil kooxdaasi katirsan sheegeen in uusan jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

”Warka kasoo yeeray waan maqalnay waa qeyb kamid ah beentii lagu yaqiinay, majiro wax weerar ah oo ay ka geysteen Jilib, waxay doonayaan in guul darrooyinka kasoo gaaraya camaliyaatka mujaahidiinta ay been ku daboolaan” Ayuu yiri sargaal katirsan Al Shabaab.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa marar badan weeraro qorsheesan waxa ay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ay ka maamulaan dalka , waxaana weeraradaasi mararka qaar ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -