Ciidamada Danab iyo Ciidamo Mareykan ah oo howlgal dhiig ku daatay ka fuliyay Jilib

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab oo gacan ka helayay ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in howlgal qorsheesan ka fuliyeen gudaha Degmada Jilib ay maamulaan Al Shabaab.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka howlgal ka fuliyeen xarun tababar oo Al Shabab ku lahaayeen degmada Jilib.

Waxa uu sheegay Taliyaha in howlgalka laga fuliyay xarunta Al Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib lagu dilay ku dhawaad 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan afar sargaal .

Taliye Bogmadow ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jiraan labo sargaal oo ajnabi ah oo katirsanaa Al Shabaab , waxa uuna saraakiishaasi magacyadooda ku sheegay Aweys Abu Xamza oo u dhashay Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo Liibiyaan ah.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay xarunta Al Shabaab ee la weeraray in ay aheyd xarun lagu tababaro dagaalyahanada Al Shabaab ee fuliya weerarada ismiidaaminta ah, waxa ayna milatariga sheegeen in goobtan laga soo abaabuli jiray weerarada is qarxinta.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin howlgalkan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka la sheegay in ay ka fuliyeen degmada Jilib oo kamid ah goobaha ay maamuaan Al Shabaab awooda badana ku leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -