Agaasimihii Wasaarada Gargaarka oo Xilka laga qaaday iyo Mid Cusub oo la magacaabay

Digreeto kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa ayaa shaqada looga joojiyay agaasimihii guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka Ismaaciil Colow

Wasiirka ayaana cadeyn sababaha uu shaqada uga joojiyay agaasimaha oo dhowr bil kaliya xilkaasi hayay, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in khilaaf xoogan oo la xalin waayay uu soo kala dhax galay Wasiirka iyo Agaasimaha.

Digreetda Wasiirka Gargaarka kasoo baxday ayaa sidoo kale lagu magacaabay Agaasime cusub ay yeelaneyso Wasaarada Gargaarka oo loo magacaabay Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo horey Wasaarada uga ahaa Agaasime Waaxeed.

Inta badan Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa horey shaqada uga joojiyay agaasimiyaal guud ay isku dhaceen, waxa ay sidoo kale magacaabeen agaasimayaal ay aaminsan yihiin in ay is fahmi karaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal uu horey soo saaray ku amray in Wasiirada aysan shaqada ka joojin karin Agaasimayaasha iyo Xoghayaasha Joogtada, hasa ahaatee amarkaasi ayaan noqon mid dhaqan gala waxa uuna ku ekaaday afka baarkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -