Mid ka mid ah fanaaniintii ugu caansanaa Somalia oo caawa geeriyooday

Sida ay sheegayaan warar goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir online waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa Cumar Cabdulle Shooli.

fanaanka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) oo mudooyinkanka uu ku xanuunsanayey sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan fanaaniinta Soomaaliyeed oo xaaladiisa la socday.

madaalihii hobolada waaberi Marxuum Cumar shooli ayaa sanado ka hor kasoo laabtay Qurbaha, isagoo muddo laba sano ah la noolaa caruurtiisa oo degan magaalada Muqdisho.

Cumar Shooli ayaa ka mid ahaa fanaaniintii caanka ahaa ee xiliga beri samaadkii ka jiray Somalia, waxaana geeridiisa ka naxay bahda fanaaniinta Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -