Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Ansixinaya Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa in xaruntooda ku yeeshaan kulan xasaasi ah oo la filayo in lagu ansixiyo Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda.

Xildhibaanada ayaa shalay ka dooday miisaaniyada Wasaarada Maaliyadda horkeentay, waxa ayna inta badan Xildhibaanada sheegeen in muhiim tahay in la meel mariyo miisaaniyada maadaama uusan waqti badan harin.

Kulanka ay leeyihiin maanta Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in Xildhibaanada ku meel mariyaan miisaaniyadan oo dhaqan galeysa sanadka cusub oo maalin un ka harsan tahay.

Miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2019-ka ayaa khal khal galay kadib khilaafkii soo kala dhax galay Madaxda sare ee dalka, waxa uuna dalka halis u galay in sanadka cusub noqdo mid aan miisaaniyad laheyn.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta marka ay ansixiyaan Miisaaniyada si deg deg ah loogu gudbin doonaa Aqalka sare, waxaana Xildhibaanada sanadka cusub gali doonaan fasax .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -