Shiikh Kenyaawi oo si kulul u beeniyey warar lagu faafiyey baraha Bulshada

Sheekh Max’ed Shiikh Ibraamim (Kenyaawi) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee qurbajooga ah, dhowaana ku soo laabtay dalka ayaa beeniyey warar been abuur ah oo looga faafiyey baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya inuu ka qeyb qaatay ololaha isxilqaan ee ka socda tiyaatarka Qaranka.

Waxaa uu sheegay Shiikhu inuusan tegin tiyaatarka, kana qeyb qaadanin olole halkaas ka socda, wuxuuna xusay in goobta uu isxilqaan kaga qeyb qaatay ay aheyd Maktabada Qaranka oo uu sheegay iney ka mid tahay meelaha cilmiga ee ay tiilay kutubtii ummadu wax ka baran jirtay.

“Tiyaatar ma joogin, waxaan tegay Maktabadii Qaranka oo intaasoo kutub ah ay ku dhamaadeen, isxilqaan kaliya waxay u maleeyaan inuu ka socdo tiyaatarka, konton meelood ka badan ayuu ka socdaa waana wax lagu farxo in umaddu ay dhisaneyso meelo ka mid ah kuwii ugu qiimaha badnaa aniguna dhiiragelin ayaan ugu tegay” ayuu yiri Shiikh Kenyaawi oo ugu baaqay dadka baraha bulshada wax ku qora iney hubiyaan waxa ay faafinayaan.

Shiikh Kenyaawi ayaa hadalkan ka sheegay  Kullanka Todobaadlaha ah ee Saraakiisha Booliska oo manta ka dhacay Muqdisho, wuxuuna dhinaca kale Shiikh Kenyaawi ka sheegay kulankan in Boolisku badankood ay qaataan Laaluush xaaraan ah, iyagoo aan dan ka laheyn howshii loo igmaday oo ah sugida amniga.

“Waa in runta la isku sheego waxaa la yiraahdaa Booliska badankoodu waa xaaraan quutayaal oo waxa ay qaataan laaluush, waxaa uu arkaya Gaari qarax wada laakiin kaliya lacag ayuu ka qaadanaya wuuna iska sii deynayaa, waxaana loo baahan yahay in Illaah aad ka cabsataan oo aad waxaasi ka waantoobdaan” ayuu ka hor sheegay Shiikh Kenyaawi oo hadalkiisa aysan jecleysan Saraakiisha Booliska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -