Garsoorayaashii uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo la dhaariyey (Daawo Sawirro)

Garsoorayaashii uu soo magacaabay dhawaan Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirka Cadaaladda Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed (Ameriko) iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada sare.

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa cadaalada.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -