Muxuu Abaanduulaha cusub ee XDS ku soo arkay furumaha dagaalka ee Magaalada Marko? (Daawo Sawirro)

Abaanduullaha cusub ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar  iyo saraakiil kale, ayaa booqday furumaha ee dagaalka magaalada Marko ee Xarunta gobolka Sh/hoose.

Gen. Odowaa, ayaa mid mid u kormeeray difaacayada Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada Marko, waxaana uu xog wareystay  Ciidanka halkaasi ku sugan, iyagoo Abaanduulaha Warbixin ka siiyey Xaaladda amni ee Marko.

S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa  ciidamada ku dhiirigaliyay inaysan ka niyad jabin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay iney yihiin Koox aan itaal laheyn oo baxsad ah, isaggoo kula dardaarmay in shaqada adag ee ay hayaan ay sii labo jibaaraan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay inaan loo duqaadan doonin in al-shabaab ay xasuuqaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan, wuxuuna Saraakiisha iyo Ciidanka Magaaladda Marko ku sugan faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -