Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay xubin ka tirsanaa amniyaatka Al-shabaab

Sida ay sheegayaan wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxaa xukun dil ah lagu fuliyay xubin ka tirsanaa Amniyaatka kooxda Al-Shabaab oo horay dil toogasho ah loogu xukumay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka Fagaaraha Maanyo fuulka Baydhabo ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu Masjid Baydhabo ku yaallo ku dilay Shiikh Madeer Madgaab Caliyow taariikhdu markii ay aheyd 15-6-2017-kii.

Gacan ku dhiigle Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore Masaajidkan oo ku yaala xaafadda Towfiiq ku dilay Shiikha oo si weyn looga garanaayay Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa goob joog ka ahaa fulinta xukunkan.

Muumin Xuseen C/llaahi oo ka socda Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa ka hadlay xukunkaasi dilka ah oo maanta ay fuliyeen.

“Shabaab Maxamed Aadan Cali(Boorow) 24 ina Khadiijo Macalin Maxamed ku dhashey Bokool waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeyey in isagoo ka tirsan Alshabaab uu Masjidka Sheekh Aadan War-iisha,Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,taariikhu markay ahayd 16/6/2017,dilkaasi oo ka dhacay degmadan Baydhabo,taariikhdu markay ahayd 21/6/2017 waxay maxakamaddu ku xukuntay dil toogasho,racfaan ayuu ka qaatay xukunkaasi,5/72017 Maxakamadda ciidanka qalabka sida waxaa ay markale u fariisatay dacwadiisa waxaana lagu xukumay diltoogasho ah,maadaama ay ku cadaatay in  uu dil barer ah uu u geystay marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,maanta oo taariikhu ay tahay 29/12/2018 waxaa lagu fuliyay xukunsanahay xukunkii dilka ahaa,Wabilaahi Towfiiq”. Ayuu yiri Muumin Xuseen C/llaahi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -