Dagaal saaka ka dhacay degaanka Goof-guduud iyo Al-shabaab oo la wareegtay

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney la wareegeen degaanka Goof-gaduud ee duleedka kaga beegan Magaalada Baydhabo ka dib dagaal culus oo saaka ka dhacay.

Qoraal lagu baahiyey baraha taageera Al-shabaab ayaa waxay ku sheegeen in dagaal qorsheysan ay ku soo qaadeyn saaka aroortii ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen ciidamadii Xoogga ee degaankaasi gacanta ku hayay.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Somalia ayaa sheegay inuu jiro dagaal saaka ka dhacay degaanka Goof-guduud balse faahfaahin kama bixin.

Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya in degaanka Goofgaduud ay Al-Shabaab la wareegeen.

Al-Shabaab ayaa horey marar badan weeraro ay soo qaadeen kula wareegay degaanka Goof-guduud inkastoo ay dib uga baxayeen saacado ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -