Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal oo fulinaya Qaliino loo adeegsanayo Leesar

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ayaa ku war galinaya bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka in Isbitaalka imaanayaan Dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya oo ku takhasusay Daweynta cudurada Haweenka gaar ahaan Dhalmo la’aanta.

Dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Hindiya kana howlgala Isbittaalo waa weyn oo kuyaala dalkaasi ayaa imaan doona magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Kalkaal  taariikhda marka ay tahay 13-1-2018.

Dhaqaatiirta Imaaneysa Isbitaalka Kalkaal ayaa daweenaya Cudurada kala ah.

1-Daaweynta Dhalmo la’aanta Dumarka

2-Furista Tubooyinka Ugxaanta qaada

3-Toosinta Minka Qaloocan

4-Latacaalista dhiciska iyo waxyaabaha keena

5-Bixinta Burooyinka Minka

6-Bixinta Minka hadii uu halaabo

Isbitaalka Kalkaal oo caan ku ah Daweynta dhalmo la’aanta raga iyo Dumarka ayaa qaliinada uu sameenayo waxa ay yihiin kuwa casri ah oo loo adeegsanayo Leesar, waxaana Isbitaalka uu kamid yahay kuwa ugu waa weyn ee bulshada u fidiya adeegyo caafimaad.

Kalkaal Hospital ayaa kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgooska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer agagaarka  Masjidka Caanka ah ee Cabdulaahi Ciise .

Waxii Faah faahin ah kala xiriir

Tell:0617633661 ama 0617633662

Sidoo kale kala xiriirka Numberka gaaban ee 4040.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -