Allbanaadir.com
NEWS

Xog ku aadan Dilkii xalay loo geestay Abwaan Badal Jaamac oo la helay

Waxaa saakay qabuuro kuyaala degmada Kaxda ee gobolka Banaadir lagu aasay ilaah ha u naxariistee Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Aaska abwaanka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaa oo ka tiiraanyeesanaa dilka naxtinta leh ee xalay abwaanka loogu geestay degmada Kaxda.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka abwaanka ayna kusoo dhigi doonaan gacanta.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha degmada Kaxda in ay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaan Badal Jaamac, waxa uuna xusay in aysan dadkaasi ka hari doonin ilaa gacanta uga soo dhigaan una horgeeyaan cadaaladda.

Guddoomiyaha ma sheegin Magacyada cidda ay ku tuhmayaan dilka Abwaan badal jaamac Xirsi & sababta loo dilay, hayeeshee uu sheegay in guryo badan aan lagu harsan doonin ilaa laga soo qabto dadka ka dambeeyay dilka.

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay afurkii kaddib Abwaan Badal Jaamac Xersi oo  kamid ahaa odayaasha Dhaqanka Muqdisho waxa ay ku dileen degmada Kaxda uu degnaa, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=V_29pprABuc

Related posts

Aabe Fal argagax leh u geestay cunug uu dhalay oo labo bilood jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddi ka kooban 16 xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali

DEG DEG: Xoghayaha guud ee Q/Midoobay oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---