(Daawo Sawirro) Dhismaha garoonka dayuuradaha & Dekeda Baraawe oo la dardar gelinayo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu guda galay dhismaha Dakada iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo muddooyinkii dambe ay socotay qaban qaabada la xiriirta bilowga dhismahan.

Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka KG C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulkaasi.

Xubnahan ayaa qiimeyn iyo indha indheyn waxa ay ku sameeyey hanaanka dhismaha dakadda Magaalada Baraawe, waxaana la arkayay shalay, iyadoo ay bilaabatay dhismaha Airport-kab Baraawe

Madaxweynaha maamulka KG Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa bartamihii sanadkii dhamaaday ee sanadkii 2017 dhagax dhigay dhismaha garoonka dayuuradaha Baraawe hase ahaatee  heyado balanqaadyo dhaqaale sameeyey oo dib u dhacay iyo duruufo kale ayaa suuragal ka dhigi waayey in dhismaha garoonku uu sii socdo.

Shariif Xasan ayaa horey xariga uga jaray dhismaha xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur galbeed oo laga hirgeliyey Magaalada Baraawe kaasoo hadda iska xiran aysana jirin cid ku shaqeysa, waxayna u muuqataa in Maamulkka KG ay ku adkaatay inuu u soo guuro caasimadiisa rasmiga ah ee Baraawe, sababtii la doonaba ha lahaatee, welina ma muuqdaan calaamado muujinaya in xiliyada dhow ee soo socda ay arintaas ka dhabeyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -