Taliye loo magacaabay Nabad sugida gobolka Sh/Dhaxe oo loo diiday in Jowhar galo

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii ciidanka Nabad sugida gobolka Shabeelaha Dhaxe C/Qaadir Cabdule  Xaayow.

Taliyaha cusub ee ciidanka Nabad sugida gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa la sheegay in saakay ka dagay garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar, waxaana taliyaha cusub loo diiday in uu gudaha u galo magaalada Jowhar.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa xiray wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo magaalada Jowhar, waxa ayna ciidamada kasoo horjeedaan in gudaha magalaada soo galo taliyaha cusub.

Ciidamada hubeesan ayaa baaraya gaadiidka kala duwan ee ka imaanaya dhinaca garoonka Diyaaradaha, waxa ayna ciidamada gaadiidkaasi ka baarayaan taliyaha cusub ee Nabad sugida oo ay ka ilaalinayaan in uu oo galo Jowhar.

Ciidamada ayaa kasoo horjeeda xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyihii hore ee ciidanka Nabad sugida gobolka shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidankan diidan yihiin Taliyaha cusub ee ciidanka Nabad sugida .

Magaalada Jowhar waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadan loona ogolaado in Taliyaha soo galo magaalada Jowhar si uu halkaasi uga bilaabo shaqada loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -