Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland: “Mareykanka ayaa naga aqbalay joojinta safarka Xamse”

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in Maraykanka ay ka wada hadleen sidii loo baajin lahaa safarka Raisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku tagayo magaalada Laascaanood, iyagoona sheegay in ay arrinta uu Maraykanku joojin doono.

“Dawlada Maraykanku waxay nala qaadatay in degdeg loo joojiyo oo aanu Raisal Wasaare Xamse iman karin Laascaanood” Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sidaas sheegay oo isagu haatan ku sugan Dalka Maraykanka.

Waxaa uu xusay in Laascanood ay tahay qeyb ka mid ah Somaliland, ayna cawaaqib xun ka dhalan doonto hadi uu yimaado RW Xamse

Hadalkan ayaa ku soo aaday xli Wefti hordhac u ah Raisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Ciidamo ilaaladiisa ah ay gaareen Magaaladda Laascaanood.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in aanu iman karin Raysal Wasaaraha Soomaaliya Magaaladda Laascaanood, iyagoo wacad ku maray iney xoog iyo xeeladba ku joojin doonaan safarkaas.

Related posts

(Sawirro) Muxuu Adan Madoobe ku soo arkay Safaarada Somalia ee Baqdaad

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada oo War kasoo saaray Musharaxiinta Wajiga Qarsanaya

Cabdi Cade

Wasiir Carab oo ka hadlay rabshado dhexmaray arday iyo ciidamo Boolis ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---