Gudoomiyihii Shaqada laga joojiyay ee Yaqshiid oo Eedeymo culus loo jeediyay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Yaqshiid Axmed Maxamed Xasan Geedow ,kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay Falal Musuq maasuq iyo fal dambiyeedyo kale.

Qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka degan Degmada Yaqshiid ayaa ku eedeeyay Gudoomiyihii shaqada laga joojiyay in uu ku takri falay awooda uu heestay sidoo kale ku kacay musuq maasuq.

Yuusuf Cali Madoobe oo ah ganacsade ayaa Warbaahinta u sheegay in Gudoomiyihii Yaqshiid ka hor istaagay ganacsi ay ka furi lahaayeen degmadaasi, waxa uuna xusay in Gudoomiyaha ku xujeeyay in ay bixiyaan lacago musuq maasuq ah si fasax loo siiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Yuusuf Cali in Gudoomiyaha ku sifoobay musuq maasuq, waxa uuna xusay in talaabo kasta oo la qaadayo ama wax laga fulinayo degmada uu ku xiri jiray in marka hore isaga la afgarto oo lacag la siiyo.

”Maxkamada gobolka ayaan ka dacwoonay , waxaana nalaga xiray jidkii gurigeyna hor mari lahaa ,maxkamada waxa ay cadeysay in la dumiyo jidka la dhistay balse Gudoomiyaha nagu xujeeyay in lacag ku siino hadii kale aan jidka la fureyn” Ayuu yiri mid kamid ah dadka degan Yaqshiid.

Shacabka degmada Yaqshiid ayaa qaarkood soo dhaweeyeen shaqo joojinta lagu sameeyay Gudoomiyihii degmada Yaqshiid, waxa ayna shacabka sheegeen in gudoomiyha uusan la imaan wax qabad balse kusoo kordhiyay degmada Musuq maasuq aan horey loo arag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -