Al Shabaab oo Xukun ku riday labo nin oo Dilal iyo kufsi u geestay Dumar

Maxkamad ay leedahay Al Shabaab oo kutaala Deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa xukuno kala duwan ku riday labo nin oo lagu helay dambi ah in ay kufsi iyo dil u geesteen Dumar.

Mid kamid ah labadan nin ayaa lagu helay dambi ah in uu kufsaday afar haween ah uuna dilay labo kamid ah haweenkaasi uu kufsaday, waxaana Maxkamada Al Shabaab sheegtay in ninkan uu qirtay dambiga lagu soo oogay.

Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay in lagu fuliyo boqol karbaash oo ah xadkii Zinada iyo   sadex sano oo xabsi ah, waxaa sidoo kale ninkan eheladiisa la amray in ay bixiyaan diyada dadka uu dilay kadib markii ay ogolaadeen ehelada haweenka la dilay in diyo qaataan.

Ninka labaad ayaa Maxkamada Al Shabaab ku heshay in uu kufsaday labo haween ah, waxa ayna Maxkamada ninkan ku riday in lagu fuliyo Xadkii Zinada sidoo kale xabsi ku qaato labo sano.

Labadan nin ayaa isla shalay Fagaare kuyaala Deegaanka Buq-aqable waxaa lagula fuliyay Xadu Zinaa, waxaana fagaaraha ragan lagu karbaashayay goob joog ka ahaa dadweyne badan oo deegaanka degan.

Al Shabaab ayaa inta badan xukuno islaami ah ku fulisa dadka gala dambiyada ee kunool deegaanada ay ka taliyaan , waxaana inta badan xukumada Al Shabaab lagu fuliyaa goobo fagaare ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -