Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika iyo Soomaali badan oo ka naxday

Allaha u naxariistee kooxo burcad hubeesan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay Deegaanka Qamata oo katirsan magaalada Queenstown waxa ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Bashiir Abuukar Maxamuud.

Sida aan Wararka ku helnay kooxaha burcada ayaa xalay saqdii dhaxe ganacsadaha ugu galay dukaan uu lahaa kadibna halkaasi ku dilay, waxaana la sheegay burcada in horey usii qaateen lacago iyo agab kale oo Dukaanka yaalay.

Burcada dilka geesatay ayaa la sheegay in goobta isaga baxsadeen, waxaana ciidamo katirsan booliiska oo tagay halka uu dilku ka dhacay bilaabeen baaritaano ku aadan dilka loo geestay ganacsadaha Soomaaliyeed.

Allaha u naariistee Ganacsadaha xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika Bashiir Abuukar Maxamuud ayaa dalkaasi kunoolaa mudo 10-sano ah, waxa uuna bil kahor ka laabtay magaalada Muqdisho uu ugu yimid xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Dilka ganacsadahan oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay dalka Koonfur Afrika ayaa aad looga naxay, waxaana dadka yaqaana sheegeen in uu ahaa ganacsade ilaah ku xiran sidoo kale ahaa nabadood Soomaalida dhaxdeeda laga jeclaa.

Dalka Koonfur Afrika ayaa xiliyadan oo kale oo dadka Masiixiyiinta u dabaal dagayaan ciidooda waxaa ka dhaca fal dambiyeedyo ay geestaan kooxaha burcada, waxaana Soomaalida kunool Koonfur Afrika xiliyadan oo kale yihiin kuwa wadnaha farta ku haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -