Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muran loo Maaro waayey oo u dhexeeya Shirkadda Twitter iyo dowlada India

India ayaa sheegtay in shirkadda twitter-ku ay haysato fursaddii ugu dambaysay ee ay ugu hoggaansamayso xeerarka cusub ee technology-yadda caalamiga ah ee dalkaasi uu soo rogay.

Xeerarkan ayaa looga golleeyahay in shirkadaha baraha bulshadu ay noqdaan kuwo lagula xisaabtami karo qoraallada ay tiraan.

Dowlada India ayaa shirkadda twiter-ka uga fadhida inay soo magacaabato qof masuul ah oo shirkaddaas u qaabilsan wax ka qabashada cabashooyinka ka jira gudaha dalka Hindiya.

Waxay sheegeen in haddii shirkadda twitter-ku ay arrintaas u hoggaansami waydo ay la kulmi doonto cawaaqib aan la mahadin.

Shirkadda Twitter ayaa waayadaanba la daalaa dhacayey dagaal uga imaanayey dhanka xukuumadda Narendra Modi ayadoo maamulkuna uu codsanayey in shirkaddu ay qaaddo tallaabooyin hoos loogu dhigayo qoraallada ka dhan ah dowlada ee dhaliilaha xambaarsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Falastiiniyiin ah oo lagu toogtay Qudus iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Ciidamo Cusub oo katirsan AMISOM oo goordhaw la geeyay Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Shir Wadatashi ah oo furmay Sadex kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---