(Daawo Sawirro) Madaxweyne Muuse Biixi oo Addis ababa kula kulmay Raisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Socdaalkiisa ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Muuse Biixi oo ay safarkiisa ku wehliyeen xubno Wasiiro ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole loogu sameeyay soo dhoweyn sare, waxaana kaga hortagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Workneh Gebeyehu iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya xiriirka labada dhinac iyo arrimaha geeska Afrika.

Itoobiya ayaa sidoo kale kala hadleysa Muuse Biixi qaboojinta xiisada ka soo cusboonaatay Puntland iyo Somaliland, kaddib markii todobaadkii hore Ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq, waxaana Itoobiya ay labada maamulba la leedahay xiriir dhow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -