Dil dad badan ka argagaxeen oo xalay ka dhacay Hargeysa iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Askari katirsan ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa xalay magaalada Hargeysa gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Maxkamadda ku dilay haweeneyn katirsaneyd shaqaalaha wasaaradda beeraha .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga katirsan booliiska Somaliland uu rasaas huwiyay gaari ay wataday Najma Cabdullaahi, rasaastaasi ayaana haleeshay gabadha taa oo keentay in ay geeriyooto.

Ciidamo katirsan booliiska maamulka Somaliland oo ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan askariga dilka geestay oo isku dayay in uu goobta ka baxsado.

Saraakiisha booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay baarayaan falkan dilka ah uu geestay askariga, lamana oga ilaa hada sababta keentay dilka askariga u geestay gabadhan katirsaneyd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee Somaliland.

Dilkan xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ayaana waxaa ka argagaxay dadka kunool magaaladaasi oon horey u baran dilalka nuucaan, waxa ayna dadku ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado askarigii dilkaasi geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -