Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Buundada cusub ee Garoowe oo ah mid casri ah, Buundada oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadu waxay door weyn ka qaadan doontaa isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaalaha caasimadda iyo gobollada kala duwan ee Dalka.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dhismaha Buundadan oo ah mid ka mid ah mashaariicda ugu weyn ee dalka laga hirgeliyay tan iyo burburkii, wuxuuna ku boggaadiyey maamulka degmada, Bangiga Adduunka iyo cidkasta oo kala shaqeysay sida weyn ee ay masuuliyad isaga saareen dhismaha Buundada iyo weliba dhismaha Wadooyinka kale ee casriga ah ee la dhisay kuwaasi oo uu Madaxweynuhu kormeeray.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland, Bangiga Adduunka, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, nabadoonno, ganacsato, haween, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo taageeray hirgelinta Mashruucan muhiimka ah.
Buundadani waxay astaan u tahay horumarka Garoowe, iyadoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha Puntland, loogana gol leeyahay kor u qaadista adeegyada iyo bilicda caasimadda.