Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalka Dhuusamareeb iyo Khasaare ka dhashay

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa kooxda la baxday Ahlusunna dib uga caabiyay qaybihii ay ka joogeen Xaafadaha Dhuusamareeb iyadoo rasaasta laga maqlayo xaafado ku yaalla duleedka magaalada.

Saraakiisha Ciidamada DF ayaa warbaahinta la wadaagay in Ciidamadu dagaal adag kula jiraan dagaalyahano kale oo ku jiray aaga xero-gaadiid kuwaasoo markii xerada laga saarey galay dhismayaal ka dambeeya xaruntii hore ee Hey’adda SwissKalmo.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Dhuusamareeb, Isbitaalka weyn ee magaalada waxaa la geeyay dhaawacyo badan oo iskugu jira shacab iyo askar intaba.

Sidoo kale madaaifiic ku habsatay xaafadaha qaar ayaa dhimasho iyo dhaawac waxay u geysteen dad shacab ah inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH

 

 

Related posts

DF & Jubbaland oo ka shiray xal u helida dhibaato ay abuurtay dowladii Farmaajo

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka

Caydiid Ali

Weerar Toorey oo ka dhacay duleedka Tel aviv (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---