Dowlada Somalia oo si buuxda loogu wareejiyey amniga Magaalada Dhuusamareeb

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa  maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Mas’uuliyadda amniga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Munaasabad arrintan la xiriirta ayaa saaka lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Shiikh Shaakir Cali Xasan, taliyeyaasha Ciidamada  iyo xubno kale.

Madaxa Xukuumada Galmudug Maxed Shaakir Cali Xasan ayaa munaasabada ka sheegay in wixii maanta ka dambeeya guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay si buuxda ugu wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay waajibkeeda gudato.

“Dhammaan ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha Magaalada Dhuusamareeb waxaa loo saarayaa banaanka , waxaana  amniga la wareegi doona  Ciidamo gaar ah oo dowlada federaalku  diyaarisay” ayuu yiri  Madaxa xukuumada Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumada Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey masuuliyiinta Ahlu sunna, wuxuuna balan-qaaday in dowladu si buuxda sugi doonto amniga Magaalada.

Talaabadan ayaa soo afjareysa muran ka ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay talaabada ay dowladu kula wareegeyso amniga magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay talaabadaas ka soo horjeesteen masuuliyiinta ahlu sunna inkastoo ay ka soo debceen mowqifkooda cadaadis ay kala kulmeen qeybaha bulshada magaalada Dhuusamareeb awgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -