Madaxweyne Afrikaan ah oo lacag ku soo rogay qofkii doonaya inuu la kulmo (LA YAAB)

Ma doonaysaa in aad la kullantid madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa?, haddii ay jawaabtaadu (Haa) tahay, waa in aad iska diyaarsataa qarash dhan $16 dollar.

Arrintan waxa ay qabsatay qurbajoogta reer Zimbabwe ee ku nool magaalada Windhoek ee dalka Namibia, xilli uu madaxweynaha halkaasi booqasho ku tagay shalay.

Sida uu qorey wargeyska The Villager ee dalkaas kasoo baxa safaaradda Zimbabwe ee Namibia ayaa kireysay hotelka Safari ee Windhoek, halkaasoo ay ka qabatay 300 kursi, qofkiina waxa uu ku galayaa lacag dhan $16 doolar, iyada oo dadkii aanan lacagta heysanin laga celinayay goobta.

Madaxweynaha ayaa goobtaas ka jeedinayay khudbad, dad badana waxa ay sheegeen in ay wax lala yaabo tahay in madaxweynaha lacag lagu arkayo xili Zimbabwe uu dhaqaale burbur ku dhacay, ayna ahayd in madaxweynaha uu dadka u abuuro shaqooyin halkii aragtidiisa lacag laga dhigi lahaa.

“Marka aan codka dhiibeyno lacag ma bixino, balse marka aan rabno in aan aragno madaxweynaheena, lacag bixiya ayaa nala leeyahay ” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii gali waayay goobta maadaamaa uusan lacag heysanin.

Madaxweynaha Mnangagwa ayaa xilka la wareegay daboyaaqadii sanadkii hore kadib markii ciidammada ay afgambi ku sameeyeen madaxweynihii muddada dheer dalkaas ka talinayay Robert Mugabe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -