Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay degmada Mandhera iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Qarax bam gacmeed loo adeegsaday ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari.

Afar askari oo ka tirsan booliska Kenya ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxan oo kooxaha ka dambeeyey ay baxsadeen sida ay sheegeen saraakiisha amniga degmadaas.

Askarta dhaawaca ah ayaa la geeyey Isbitaalka  degmada Mandhera halkaasoo lagu daweynayo, qaarkoodna waxaa la soo sheegayaa inuu halis yahay dhaawacooda.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay weerarkan haddana kooxda Al-shabaab ayaa weeraro kan la mid ah iyo kuwo ka khasaare badanba ka geysatay gudaha dalka kenya sanadiuhii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si adag uga hadashay Heshiis ay gaareen Dowlada Federaalka iyo Q/M

Cabdi Cade

Xagee ku Dambeeyaan Ciidankii Xoogaga Ahlu Sunna ee ka baxay magaalada Guriceel ?

Cabdi Cade

Markab Dagaal oo weeraray burcad badeeda Soomaalida ee qafaashay Markabka MV Abdullah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---