Duco dhaqameedka (Istaqfurowga) oo galabta lagu qabtay degmada Xamar-weyne (Sawirro)

Degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay galabta duco dhaqameedka la yiraahdo Istaqfurowga oo sanadkiiba mar lagu qabto degmadaas.

Duco dhaqameedkan ayaa sanad walba la qabtaa marka ay deegaan xeebeedyada Koonfurta Somalia ka kacaan dabeylaha, waxaana isu soo baxa culumaa’diinka. odauaasha iyo dadweynaha, waxaa la akhriyaa Quraan badan, iyadoo tiro xoolo ah lagu qalo xeebta xaafada Aw-aweyska ee degmadaas ka tirsan, socod ayaana lagu soo maraa xaafadaha iyadoo la qaadayo dikri ALLE bari ah.

Isu soo baxa iyo duco dhaqameedka Istaqfurowga ee galabta ka dhacay degmada Xamar-weyne ayaa waxaa odayaasha iyo shacabka degmadaas kala qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Sii-hayaha Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Axmed Maxamed Iidow, ku-xigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada Max’uud Dheere iyo xubno kale.

Waxgaradka degmadaas qaarkood ayaa sheegay in duco dhaqameedkan Istaqfurowga ay aheyd mid soo jireen oo fac ka fac soo taxneyd, sanad walbana lagu qabto degmadaas, iyagoo xusay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in ALLE la weydiisto dembi dhaaf dabeylaha dhacaya awgood, loona towbad keeno.

Degmada Xamar weyne oo ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ee Muqdisho ayaa waxaa sanad walba lagu qabtaa caado dhaqameedyo kala duwan oo ay ka mid yihiin shirta, badgalka, Istaqfurowga iyo kuwa kale oo shacabka degmadaas ay sheegaan iney ka soo gaareen awoowayaashood noolaa boqolaal sano ka hor.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -