Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Wafdi uu Hogaaminayay Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi oo gaaray Dhuuso Mareeb

Waxaa galabta magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaaray wafdi uu Hogaaminayay Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Ugaas Cabdulaahi  iyo Wafdiga uu hogaaminayay oo isugu jiray Odayaal dhaqmeed, Ganacsato, Aqoonyahano iyo haween ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuuso Mareeb .

Wafdigan ayaa magaalada Dhuuso Mareeb u tagay ka qeyb galka Shirka lagu dhameestirayo Heshiis horu dhac ah oo ay horey u wada gaareen maamulada Galmudug iyo Gobolada Dhaxe .

Ugaaska iyo Wafdiga la socda ayaa sidoo kale magaalada Dhuuso Mareeb kula kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la filayo in uu gaaro magaaladaasi.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa gaaray masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo waxgarad kuwaa oo ka qeyb galaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo shirka lagu dhameestirayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaare Erna Solberg?

Caydiid Ali

Maamul Goboleed War kasoo saaray Xayiraadii maanta lagu sameeyay Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya dil qorsheesan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---