Faah faahino kasoo baxaya dil qorsheesan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafada Odweyne ee degmada Dayniile waxa ku dileen Nin la sheegay in Macalin ka ahaa Jaamacada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in macalinkan katirsanaa Jaamacada Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay  Ismaaciil Cadoow Nuur la dilay salaadii cisha kadib xili uu kasoo baxay garaash uu gaari uu watay kusoo xareestay.

Labo nin oo biskoolado ku hueesnaa ayaa la sheegay in ay dileen Macalin Ismaaciil Cadoow Nuur oo wax ka dhigayay kuliyadda Shareecada ee Jaamacada Soomaaliya, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilkaasi fuliyay.

Ciidamo kairsan booliiska iyo Nabad sugida ayaa gaaray xaafada Odweyne ee caawa dilku ka dhacay, mana u suurtoobin sida aan wararka ku helnay in ciidamada amaanka ay soo qabtaan ragii dilka fiuliyay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordahaya dilalka qorsheesan ay geesanaan dhalinyaro biskoolado ku hubeesan, waxaana inta badan gacanta laamaha amaanka ka baxsada dableyda dilalka geesata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -