Kheyre oo xalay Isbitaalo ku booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ay wehliyaan Masuuliyiin katirsan dowlada ayaa xalay isbitaalo ku booqday qaar kamid ah dadkii ku dhaaacmay qaraxyadii shalay ruxay Muqdisho.

Kheyre iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa booqday Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex-Digfeer oo la dhigay inta badan dadkii ku dhaawacmay labadii qarax ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Ra’iul Wasaare Kheyre ayaa dul tagay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha bukaanada ka wareesanayay xaaladooda caafimaad .

Kheyre ayaa caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacyada qaba ee ku jira Ibitaalada magaalada Muqdisho, waxa uu sidoo kale ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho.

Shalay ayaa labo qarax oo gawaari loo adeegsaday waxa ay ka dhaceen agagaarka Tayaatarka Qaranka iyo sidoo kale Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay ku dhawaad 30-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -