Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xildhibaankii labaad oo maanta ku guuleystay doorasho ka dhacday Baydhabo

Doorashada kuraas ka banaaneyd Golaha Shacabka ayaa maanta ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Waxaa la soo gebegabeeyay doorashada kursigii labaad oo uu ku geeriyooday Ex Xildhibaan Kornel Ruush, waxaana loo doortay Musharax Nuur Siidow Baaba-Xasan

Nuur Siidow Baaba-Xasan ayaa 48 cod kaga guuleystay musharaxii la tartamayey oo la yiraahdo Fiqi Cabdullaahi Mayow oo helay 3 cod oo kaliya.

Xildhibaan Nuur Siidow Baaba-Xasan ayaa noqday Xildhibaankii labaad ee maanta lagu doortay magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa in goor dhow la qabto doorashada kursiga 3aad oo uu baneeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka Jabhadda ONLF oo ka degay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu kala soo Noqday Ra’iisul Wasaare Rooble Safarkii Garoowe? (Fikirkaaga dhiibo)

admin

Safiirka dalka Faransiiska u fadhiya NIGER oo 48 saacadood loo qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---