Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Afrikaan ah oo canshuur ku soo rogtay dadka isticmaala baraha bulshada

Dalka Uganda waxaa ka taagan jahawareer ku aaddan qaabka loo hirgelinayo canshuur cusub oo lagu soo rogay adeegsiga baraha bulshada kuwada xiriirto, taas oo uu shalay ansixiyay baarlamaanka wadankaasi.

Hindisahan ayaa ansixiyay qorshe ay dowladda ku doonayso inay maalintiiba shan sent oo dollar-ka Mareykanka ah ay uga qaaddo dadka adeegsaiga baraha bulshada sida WhatsApp iyo Facebook-ga.

Hindisaha ayaa lagu wadaa inuu saxiixo madaxweyne Museveni, waxaana uu dhaqangeli doonnaa 1-da July ee foodda inagu soo haysa.

Lacagaha taleefannada gacanta la isugu diro ayaa iyagana lagu canshuuri doonaa 1% kolba xaddiga la diro.

Baraha bulshada ayaa muhiim ka noqday siyaasadda dalka Uganda, waxaana sharcigan ka soo horjeeda shacabka dalkaas oo si weyn u adeegsada baraha lagu wada xiriiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo hanjabaad diray xilli uu ka cabsi qabo in hubka Mareykanka lagu soo weeraro

Cabdi Cade

Haweeney loo magacaabay Gudoomiye Degmo katirsan G/ Banaadir iyo Isbedel socda

Cabdi Cade

Somaliland oo ka soo horjeesatay Isbaheysi looga dhawaaqay dalka Sacuudiga (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---