Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Joe Biden oo isaga oo Ilmeenaya la hadlay Taageerayaashiisa (Sawirro)

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Aqalka cad ee dalka Mareykanka ka dhacdo munaasabad balaaran uu xilka kula wareegayo laguna dhaarinayo Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe BidenĀ  ayaa shalay galab soo gaaray magaaladan Washington ee caasimada dalka Mareykanka , waxa uuna maanta si rasmi ah loogu caleemo saarayaa xilka Madaxweynaha Mareykanka.

Biden ayaa inta uusan kasoo bixin gobolka laga soo doorto ee Delaware, khudbad qiiro laheyd kasoo jeediyay xarun ay ciidamada Ilaalada Qaranka ku leeyihiin Delaware, halkaas oo loogu magacdaray wiilkiisa Beau Biden.

Isaga oo ilmada ceshanaya dareenkiisana uu is badalay ayuu Madaxweyne Joe Biden u sheegay dadka gobolkiisa ā€œInuu mar walba ahaan doono kuna faani doono wiil kasoo jeeda gobolka Delaware,ā€

Biden ayaa noqon doona madaxweynaha 46-aad ee uu yeesho Mareykanka. Waxaa madaxweyne ku xigeen u ah haweeneey lagu magacaabo Kamala Harris. Waxay noqon doontaa haweeneydi ugu horreysay ee noqota madaxweyne ku xigeenka Mareykanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dr. Dalmar oo la gudoonsiiyey Abaalmarinta Dhaqtarka sanadka ee Somali Nigth Award

Caydiid Ali

Qofkii labaad abid oo ka dawoobay cudurka halista ah ee HIV/AIDS (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay colaadaha sokeeye ee ka aloosan dalka Baaq muhiim ahna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---