Haweenka Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka soo muuqday garoomada Ciyaaraha K/Cagta (Daawo Sawirro)

Haweenka dalka Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay loo ogolaaday inay tagaan garoonka ayna daawadaan ciyaaraha kubadda cagta ee ka dhacaya dalkaasi.

Haweenka ayaa soo buux dhaafiyay garoon ku yaalla magaalada Jeddah si ay u daawadaan ciyaar halkaasi ka dhacaysay.

Waxa ay arrintani qayb ka tahay isbadaladda uu wado dhaxalsugaha dalkaasi Maxamed Binu Salmaan, iyadoo Haweenkan ayaa waxa ay fadhiyeen kuraas loogu talagalay qoysaska.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee King Abdullah oo ku yaalla magaalada Jeddah.

Inkastoo ay kala soocnaayeen ragga iyo dumarka ku wada sugnaa garoonka ciyaarta lagu daawanayay hadana waxaa lagu tilmaamay tillaabo muhim ah oo ay qaaday boqortooyada sacuudiga.

Dalka Sacuudiga ayaa dhowaanahan si qunyar socod ah u ogolaanaya in dumarka ay helaan xuquuq dheeraad ah taasoo jawaab u ah dalabaadka dadka u dooda xuquuqda dumarka.

Markii ugu horreysay bisha June ee soo socta haweenka Sacuudiga ayaa loo ogolaan doonaa in gawaarida ay kaxeeyaan,isbadalkaasi oo lagu dhawaaqay bishii September.

Sidoo kale, Sacuudiga wuxuu isbuucan marti gelin doonaa tartankii ugu horeeyay ee dumar ay wada ciyaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -