Madaxweyne Farmaajo oo u gudbay Koonfurta Gaalkacyo, si diirana loo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somalia iyo wafdiga uu horkacayo ayaa duhurnimadii maanta u gudbay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo hoos tagta maamulka halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya.

Boqolaal ka mid ah shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana uuna la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Farmaajo ayaa goor dhow dhagax dhigay wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib u dhis lagu sameynayo, waxaana Farmaajo u bilaabatay booqashada uu ku marayo degaanada Galmudug isagoo maalinta beri ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -