Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo heshiisyo Muhiim ah ku kala saxiixday Magaalada Ankara (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guleed (Khadar) iyo dhigiisa dalka Turkiga ayaa maanta ku kala saxiixday Magaalada Ankara heshiis ku saabsan iskaashiga Ganacsiga labada dowladood.

Waxaa goobjoog ka ahaa Munaasabada saxiixa heshiiskan masuuliyiin labada dowladood ka kala tirsan.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya in Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, sidoo kale Turkiga waxay qaadan doonaan oo Suuq u yeeli doonaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xoolaha.

Sida uu qorayo heshiiskan Turkiga waxay iibsan doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kalluunka Somalia.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wafdigiisa waxay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka socda Saddex iyo toban wasaaradood iyo afar wasiir  oo uu ugu horeeyo Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Mahdi Mohammed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay magaalada Ankara uga qeyb gaeen Shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -