Cudurka Kaduudiye oo kumanaan qof ku soo ritay gobolka Xeebta ee dalka Kenya

Magaalada Mombasa iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka xeebta ee waddanka Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu xanuunka kaduudiyaha ku soo ritay kumanaan qof

Xanuunka kaduudiyaha oo ay keento qaniinyada nooc ka mid ah kaneecada ayaa waxa uu leeyahay qandho aad u kulul, waxa uuna sidoo kale saameeyaa kala goysyada xubnaha jirka.

Goobaha cudurkaasi uu ka dilaacay ayaa waxaa kale oo ka mid ah deegaanno ka tirsan gobolka xeebta ee waddanka Kenya.

Dr. Khaliif Cabdifitaax Maxamed oo kamid ah dhaqaatiirka ku xeel dheer cudurkaasi ayaa sheegayaa inuu saameyn weyn ku yeelan karo bulshada dhexdeeda isla markaana uu yahay cudur dhibaato u geysta qofka uu haleello.

“Inta badan looma dhinto cudurkan waxaa laga yaabaa kunkii qof in mid ama labo ay u dhintaan hase ahaatee meelaha laga sheego aad u buu ugu faafaa” ayuu yiri Somalia

Isbitaalada ku yaala Gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa waxaa lagula tacaalayaa dad badan oo uu soo ritay cudurkaasi Kuduudiyaha, waxaana dhaqaatiirtu ay la tacaalayaan dadka uu soo ritay Kuduudiyaha, iyagoo siinaya dawooyin kaalmati ah maadaama uusan laheyn dawo rasmi ah.

Soomaaliya cudurkan tobankii sano ee la soo dhaafay labo jeer ayaa lagu arkay, waxaana uu aad u haleelay dad fara badan, inkastoo dadka u dhintay aysan aad u badneyn wuxuuna sanado ka hor ahaa cudurka loogu hadal heynta badan yahay koonfurta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -