Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

Kooxo tooreeyo ku hubeesnaa oo la sheegay in ay ahaayeen ciyaal weero, ayaa xalay xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay wiil dhallinyaro ah oo degmadaasi deganaa.

Sida aan wararka ku helnay kooxda ciyaal weerada ah ayaa dilay Ciise Sheekh Ibraahim oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxaana wiilkan goobjoogayaal sheegeen in lagu dilay  inta u dhexeysa Dabaqeenka iyo Suuq liif ee degmada Dharkeenleey.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan ciyaalka weerada ee lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka wiilkan dhallinyarada ah.

Ehelada wiilka la dilay ayaa ciidamada amniga iyo laamaha Cadaaladda ka codsaday in ay gacanta kusoo dhigaan dhallinyaradii dilka geesatay, kuwaa oo la tuhmayo in ay joogaan qeybo kamid ah dharkeenley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo mar kale ka mid noqotay Liiska Xayiraada Canshuuraha ee Ruushka

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo ka carooday talaabo ay qaadeen qaar kamid ah Iskuulada kuyaala Somaliland

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo weeraray Farmaajo & Wararkii ugu danabeeyay dhibkii ka dhacay Gobalka Awdal ee Somaliland!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---