Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic saaka lagu duqeeyey degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Madaafiic culus ayey saaka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku garaaceen tuulooyin hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaas ay timid ka dib markii dagaalyahano taabacsan Al-shabaab ayaa xalay iyo saaka waaberigii weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku soo qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin agagaarka degmada Qoryooley.

Ciidamada AMISOM ayaa weeraradaas ka dib madaafiic la beegsaday tuulooyinkan oo ay ku tuhunsan yihiin iney gabaad ka dhiganayaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Shacabka degmada Qoryooley ayaa sheegay iney maqlayeen daryanka madaafiicda lagu garaacay tuulooyinkan oo ay sheegeen iney shacabkii ku noolaa ay horey uga barakaceen.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarada Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigyada AMISOM iyo madaafiicda loogu jawaabay, labada dhinacna weli war kama soo saarin weerarada ay isweydaarsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cirro oo afar qodob oo muhiim ah kala hadlay Moses Wetang’ula

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay shirka maalintii 2aad u socda Madaxda dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali

Xildhibaan cusub oo goordhaw lagu doortay magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---