Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haween dibed-bax cabasho dhigayey oo fal yaab leh ku kacay (Daawo Sawirro)

Haween dalka Shiinaha ka dhigayey dibad-bax cabasho ah ayaa ku kacay fal aad loola yaabay ka dib markii  ay timaha iska wada xiireen

Waxaa la sheegay in haweenkan si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qareenada ay dowladda shiinaha xabsiga ku hayso.

Afar haween oo ku nool dalka Shiinaha ayaa fagaaro ku yaallo magaalada Beijing timaha oo dhan isaga xiiray.

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa u xiran oo maxkamadeyn sugaya qareeno u dooda xuquuqda aadanaha.

Wang Quanzhang ayaa wuxuu xabsi uu ku jiraa tani iyo 2015-kii, xaaskiisa Li Wenzu waxay sheegtay in maxkamadda sare ee dalka Shiinaha ninkeeda la horkeenay 31 jeer. loona diiday iney ka kulanto.

Dowladda Shiinaha ilaa iyo hadda kama hadlin dacwadda qareennada ku socota iyo xariggooda intaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Caddeeyay hal arrin ay ku garab taagan yihiin Dowladda

Cabdi Cade

Macalin ajnabi ah oo loo Magacaabay xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliya

Caydiid Ali

Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Fano iyo Ciidamada Itoobiya oo qarxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---