Maxay tahay sababta wakiilada beesha caalamku uga baaqdeen doorashadii K/Galbeed?

Doorashadii Madaxweynaha cusub ee maamulka koonfur galbeed ayaa sidey doontaba ha ku timaadee ugu dambeyn maanta ka dhacday magaalada Baydhabo taasoo uu ku guuleystay C/casiis Laftagareen oo ahaa musharaxii ay taageereysay dowlada federaalka sida horeyba loo sii saadaalinayey.

Inkastoo madasha doorashadan ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socday dowlada federaalka ayaa haddana waxaan ka qeyb gelin wafdigii wakiilada beesha caalamka ee doorashadan korjoogtada ka noqon lahaa kaasoo lagu casuumay balse ka baaqsaday iney tagaan Baydhabo, waxayna arrintan abuurtay shaki cusub.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta xubnaha beesha caalamku ugu qeyb geli waayeen doorashadan, iyadoo tani ay aheyd doorashadii ugu horeysay ee xubnaha beesha caalamku ka baaqdaan marka loo eego doorashooyinkii ka dhacayey sanadahan dowlad goboleedyada dalka.

Beesha caalamka ayaa maalmo ka hor ku sheegtay War-saxaafadeed ay soo saartay in loo baahan yahay taageero mideysan oo loo muujiyo habka-shaqo ee lagu maamulayo doorashooyinka, waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay xushmeeyaan hufnaanta geedi-socodka doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamku aysan ku qanacsaneyn qaabka doorashada ay ku timid, hanaanka loo maray iyo xiliga la qabtay, sidaas awgeedna ay go’aansadeen ineysan ka qeyb gelin.

Sidoo kale waxaa jira Warar kale oo iyana sheegaya in lagu jiro qeybaha dambe ee bisha Decembar, xubnaha beesha caalamka ama badankoodna ay galeen fasax si ay qoysaskooda ula qeybsadaan ciida Crismiska iyo nataalaha ee sanadka cusub ee 2019-ka oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wakiilada beesha caalamku ay soo saaraan war kala caddeyn doona mowqifka ay ka taagan yihiin doorashadii ay garwadeenka ka aheyd dowlada federaalka ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -