Dhaqaalaha dowlada Somalia ku bixisay doorashadii K/Galbeed oo la kashifay

Ing. Saalax Shiikh Cusmaan oo ahaa Wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kashifay lacagta ay dowladda federaalku ku bixisay Doorashada Maamulka K/Galbeed.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay lacag gaareysa Saddex Milyan oo Dollar ay ku bixisay doorashada Kursiga Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.

Ing. Saalax Shiikh Cusmaan ayaa intaas ku daray in lacagtaas badankeed loo isticmaalay sidii uu doorashada ugu soo bixi lahaa musharaxa ay taageereysay dowlada ee C/casiis Lafta-gareen oo ugu dambeyn xilkaas ku guuleystay.

Wasiirkii hore ee howlaha guud ayaa sheegay in maamulka K/Galbeed ay ku nool yihiin qiyaastii hal Milyan oo barakacayaal ah, kuwaasoo ku nool xaalado adag, ayna wax lala yaabo noqotay  in saddex milyan oo dollar lagu bixiyo kursi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -