Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Macalin ajnabi ah oo loo Magacaabay xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliya

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa maanta soo bandhigay Rachid Lousteque oo u dhashay dalka Morooco oo loo magacaabay Macalinka Xulka qaranka Soomaaliya.

Macalinka waxaa la shaqeyn doona Macalin Yuusuf Cali Nuur oo loo magacaabay Macalinka labaad ee xulka, halka Ghassane oo isna u dhashay dalka Morooco loo magacaabay macalin ku xigeenka xagga jir-dhiska cayaartoyda.

Macalin Xasan Faarax ayaa loo magacaabay Macalinka Goolhayeyaasha xulka qaranka Soomaaliya.

Macalimiinta ayaa 10-ka bishna bilaabi doona howshooda, iyadoo xulka Somalia ay ku soo fool leeyihiin tartamo adag oo caalami ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin isreebreebka koobka kubada cagta Aduunka sida uu sheegay xiriirka kubada cagta ee Somalia.

Xulka Qaranka Kubada cagta Somalia ayaa guuldarooyin ka soo hoya inta badan tartamada caalamiga ah, lamana oga waxa macalinkan cusub ee ajnabiga ah uu ka bedeli karo xaalada liidata ee ciyaartoyda xulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Farriin usoo dirtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Gaadiid hub iyo baabuur kala duwan u waday Xaaf oo lagu qabtay Cadaado iyo xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade

Dagaal culus oo baraha bulshada ku dhexmaraya dad taageersan Mooshinka & kuwo diidan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---