Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Fano iyo Ciidamada Itoobiya oo qarxay

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad Amxaaro ah ayaa ka qarxay deegaanno dhowr ah oo katirsan ismaamulka Amxaarada, waxa uuna dagaalka saameyn ku yeeshay nolosha dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka xoogiisa uu ka socdo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela , waxaana hakad galay shaqadii garoonka magaaladaasi, waxa uu sidoo kale dagaalka saameeyay dhaq dhaqaaqii magaalada ka jiray.

Meleeshiyaadka loo yaqaan Fano ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay ku jiraan ciidanka dowladda , waxa ayna sheegeen hoggaanka maleeshiyaadkan in ay la wareegeen garoonka diyaaraha magaalada Lalibela iyo goobo kale oi muhiim ah.

Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale ka socda afar magaalo kale oo katirsan gobolka Amxaarada, waxa ayna dowladda ciidamo badan u daad-gureesay goobaha ay dagaallada ka socdaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in dowladda qaadeyso tallaabooyin adag oo ka dhan ah maleeshiyaadka ka dagaallamaya gobolka Amxaarada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo dhambaal iyo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ciidamada Cusub ee maanta la wareegay amaanka garoonka Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Jawaari oo Guddoomiyey Shirkii guddiga joogtada ee Golaha shacabka & go’aano ka soo baxay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---