Sacdiya Samatar oo ka mid noqotay boqolka qof ee Afrika ugu sumcada fiican

Reputation Poll International (RPI) oo ah shirkad hormuud u ah sumcadda caalamiga ah ayaa soo saartay liiska sanadka 2023 ee 100-ka qof ee Afrika ugu sumcadda badan.

Liiska waxaa ku jira shaqsiyaad ka socda qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Maamulka, Hoggaanka, Madadaalada, Xuquuqul Insaanka, U doodista, Waxbarashada, iyo Ganacsiga.

Shakhsiyaadka caanka ah ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Amina Chawahir Mohamed oo Kenya u dhalatay, hase ahaatee ka soo jeeda Soomaaliya, Bonang Mohale oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Johannesburg, Njoya Tikum oo u dhalatay Cameroon, ahna Maareeyaha Xafiiska UNDP ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika iyo qaar kale.

Dhanka, Maamulka iyo Siyaasadda waxaa ku jira liiskan Madaxweynaha Kenya, William K. Ruto, Madaxweynaha Malawi, Mudane Lazarus Chakwera,  Senator Chantal Moussokoura Fanny oo Reer Ivory Coast ah iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka Somalia Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Sacdiya  ayaa dhowaan buuq badan ka dhalisay gudaha Somalia ka dib markii ay sheegtay iney Baarlamanka ka ansixin doonto xeerka jinsiga oo ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya shareecada Islaamka kuwaasoo baneynaya galmada sharci darada ah iyo dadka isku jinsiga ah ee wax iska raadiya.

Dhinaca u doodista Xuquuqda Aadanaha waxaa liiskan ku jira Martha K. Koome oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, iyo Aisha Yesufu oo Nigeria u dhalatay.

Dhanka Hoggaanka waxa ku jira Madaxweynaha Itoobiya, Sahle Work-Zedwe, Dr. Paul Enenche iyo Afua Kyei (Madaxa dhaqaalaha ee Bank of England), iyo xubno kale.

Liiska 100ka qof ee Afrika ugu sumcadda badan waa hab macne leh oo lagu aqoonsan karo looguna dabaaldegayo guulaha shakhsiyaadka saamaynta togan ku leh Afrika iyo adduunka oo dhan. Shakhsiyaadkani waxay u adeegaan tusaaleyaal lagu daydo waxayna ku dhiirigeliyaan kuwa kale inay raacaan jidkooda sida ay sheegtay Reputation Poll International (RPI)

Marka laga soo tago waxqabadkooda xirfadeed, qaar badan oo ka mid ah shakhsiyaadka liiska ku jira ayaa sidoo kale caan ku ah xuquuqda aadanaha iyo dadaalkooda u doodista.

“Liiska 100-ka qof ee ugu sumcadda badan Afrika ayaa marag madoon u ah xoogga iyo adkeysiga qaaradda Afrika. Waxay muujineysaa guulaha ay gaareen shakhsiyaadka ka shaqeynaya horumarinta nolosha dadka kale iyo inay saameyn togan ku yeeshaan adduunka. Liistadu waxay dhiirigelin u tahay dhammaan Afrikaanka iyo xusuusinta shakhsiyaadka badan ee kartida iyo wax-ku-oolka ah ee samaynta isbeddelka adduunka” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Reputation Poll International (RPI)

RIIX HALKAN SI AAD KA AKHRISATO LIISKA 100KA QOF

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -