Haweenka Qaarada Afrika kunool ee dhalaya mataanayaasha badan oo kordhay

Isbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka ee Gobalka El-Gadarif ee Bariga daka Sudan waxaa shalay ku umushay Haweeney lagu magacaabo Maha Axmed Maxamuud Gaydah, sida ay Warbaahinta dalkaasi shaaciyeen.
 
Gobalka El-Gadarif oo kaabiga ku haya Xuduudka Ethiopia waxa uu 410 KM u jiraa Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.
 
Haweeneydaasi waxay dhashay 5 carruur oo mataano ah, oo mid la mid ah uu ku dhex dhintay gudaha Riximka hooyada, ka hor inta aan Hooyadaas lagu samaynin Qaliin.
 
Dr. Waliid Maxamed Al-Hassan Darsoon oo umuliyey Haweeneydaasi ayaa sheegay inay caafimaad qabaan Maamada iyo Afarta Mataanaha oo kala ah 2 wiil iyo 2 gabdhood.
 
Qoyska Maamada waxay u mahad celiyeen Dhakhtarka kaka keenay Hooyada iyo Carruurteeda oo wada caafimaad qaba.
 
Isbuucii hore, Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika, Haweeney ayaa dhashay 10 carruur oo Mataanayaal ah, halka ay Haweeney kale oo u dhalatay dalka Mali ay bishii hore 9 carruur ah ku dhashay Isbitaal ku yaalla dalka Morooko.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -