Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Banaan bax looga soo horjeeday Xariga Abuu Mansuur iyo Doorashada K/Galbeed oo maanta ka dhacay ….

Waxaa maanta banaan bax looga soo horjeeday xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dhacday degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Dadka ku dhaqan degmada Bardaale ayaa dhigay banaan baxa ay uga soo horjeedeen xariga dowlada Soomaaliya dhawaan u geesatay Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharaxiinta u taagnaa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedeen xariga loo geestay Abuu Mansuur iyo Doorashada la filayo in ay beri ka dhacdo magaalada Baydhabo ee lagu dooranayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Banaan baxan ayaa imaanaya xili Abuu Mansuur uu ku xiran yahay xabsi kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana beri la filayaa in magalaada Baydhabo ka dhacdo doorasho boobsiis ah oo lasii saadaalinayo Musharaxa guuleesan doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu ahaa furaha uu duqa Muqdisho ku wareejiyey Madiina C/llaahi Maxed? (Sawirro)

Caydiid Ali

Diyaarad uu la socday Madaxweyne Caan ah oo Rasaas lagu furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada oo shir Xasaasi la isugu yeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---