Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada oo shir Xasaasi la isugu yeeray

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay shir jaraa’d ku qabtay magaalada Garawe ayaa ku dhawaaqay in labada bisha soo socota ee May magaalada Garawe shir ku yeelanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Saciid Deni ayaa sheegay in shirka uu ku casuumay Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxa auu sheegay Madaxweyne Deni inta uu shirka socdo looga hadli doono wada shaqeynta Dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxa uuna xusay in shirkan uusan qaadan doonin magaca Shirka Amniga Qaranka.

Madaxweynaha Puntlanad ayaa sidoo kale cadeeyay in shirkan qodobada looga hadli doono ay qeyb ka yihiin hanaanka federaalka, doorashada , dhameestirka dastuurka iyo nuuca doorasho ee la filayo in dalka ka dhacdo.

Shirkan uu iclaamiyay Madaxweynaha  Puntland ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan Madaxda dowlada Federtaalka  iyo maamulada kale ee dowlada taageera, waxaana shirkan imaanayaa xili Madaxda maamulada maalmihii lasoo dhaafay shirar ku lahaayeen Nairobi sidoo kale kula kulmayeen wakiilada beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -