Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Iska Hor imaad dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya oo ku labisnaa dareeska Milatariga kuwaa oo la sheegay in ay u abaabulanyihiin qaab beeleed  iskuna heestaan dhul .

Ganacsigii iyo isku socodka dadka ee ka jiray agagaarka Tarabuunka ayaa is taagay markii ay xabada bilaabatay, waxaana barakac soo wajahay dad shacab ah oo degnaa aaga dagaalka uu ka dhacay.

Wali si dhab ah looma oga tirada khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay iska hor imaadka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan ika hor imaadkan.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaal dhax mara ciidamo kawada tirsan dowlada balse u abaabulan qaab beeleed kuwaa oo inta badan isku qabsada dhul danguud ah oo dowladu leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -